Roobka Gu’ga oo ka Curtay Magaalada Kismaayo iyo Deegaannada ku Teedsan

0
218
default

Roob si wanaagsan loo diirsaday ayaa ka da’ay magaalada Kismaayo iyo deegaannada ku dhow dhow, xilli ay abaaro ba’an ka jiraan qaybo badan oo ka mid ah dhulka ay Soomaalidu degto.

Roobkan oo bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayaa socday muddo, wuxuuna qaboojiyay kuleylkii darnaa ee maalmihii la soo dhaafay ka jiray magaalada.

Dadka ku dhaqan Kismaayo ayaa si weyn u soo dhaweeyay roobka, iyagoo ku tilmaamay nimco iyo rajo cusub oo laga qabo in xaaladda abaareed ee ka jirta Jubbaland uu Alle ka qaado bulshada.

Qaar ka mid ah bulshada magaalada Kismaayo ayaa sheegay in roobku ahaa mid si weyn loogu diirsaday, iyagoo Alle ka baryay in uu abaarta ka dulqaado dadka, islamarkaana uu siiyo roobab wanaagsan dhammaan deegaannada kala duwan.

Beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ku nool gobolka Jubbada Hoose oo muddooyinkii dambe wajahayay abaaro adag ayaa Alle uga mahadceliyay roobka, iyagoo tilmaamay in uu wax badan ka beddeli karo noloshooda iyo xaaladda deegaanka.

Roobkan ka da’ay Kismaayo ayaa imanaya xilli ay hay’adaha samafalka iyo dadka deegaanka ka digayeen abaar sii xoogeysaneysa oo ka jirta meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya iyo dhulka Soomaalida.

Ugu dambeyn, dadka deegaanka ayaa Alle uga mahadceliyay roobkan, iyagoo rajeynaya in roobab kale oo la mid ah ay sii da’aan si ay u soo nooleeyaan dhulka iyo nolosha bulshada.