
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubbaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa booqasho shaqo ku tagay qaar kamid ah xarumaha caafimaadka ee degmada Kismaayo, kuwaas oo dhowaan lagu sameeyay dayactir iyo dib-u-habeyn.
Booqashada wasiirka waxaa ku wehlinayay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Maxamed Cabdiqaadir, Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose, Mudane Cabdirisaaq Jaamuus, iyo Isku-duwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo, Mudane Maxamed Sheekh.
Intii uu socday kormeerka, Wasiirka Caafimaadka ayaa si dhow u eegay xaaladda guud ee xarumaha la dayactiray, isagoo warbixin ka dhageystay maamulka iyo howlwadeennada caafimaadka, isla markaana la socday tayada adeegyada caafimaad ee halkaasi laga bixiyo iyo horumarka ka socda.
Wasiir Ismaaciil Axmed Garas ayaa sidoo kale ku bogaadiyay shaqaalaha caafimaadka dadaalka ay muujiyeen, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan hufnaanta iyo daacadnimada ay ugu adeegayaan bulshada, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaad ee degmada Kismaayo.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






