Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo qaabilay wariyeyaal ka yimid magaalada Muqdisho oo qayb ka ahaa tabinta shirka Golaha mustaqbalka

0
240
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay wariyeyaal ka yimid magaalada Muqdisho, kuwaas oo u yimid tabinta Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo halkaas ka furmay.
Shirka oo lahaa ahmiyad weyn, ayaa waxaa si firfircoon u tabiyay in ka badan 75 wariye, kuwaas oo door muuqda ka qaatay gaarsiinta xogta shirka bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ayaa si weyn u ammaanay uguna mahadceliyay wariyayaasha, isagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo xirfadda ay muujiyeen intii uu socday shirka.
Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta Dowladda Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtar, ayaa bogaadiyey wariyayaasha ka kala yimid 22 xarumood oo warbaahineed oo madaxbannaan, isaga oo xusay doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen dhabar-adeegga iyo tabinta shirka.
Sidoo kale Wasiirka ayaa bogaadiyey saxafiyiinta Jubbaland, kuwaas oo muujiyey martisoor iyo soo dhaweyn diirran oo ku dayasho mudan, taas oo mar kale muujinaysa doorka muuqda ee saxaafadda ku leedahay horumarka iyo midnimada dalka.