Roobab saameeyey deegaanada waqooyiga Kismaayo.

233

Robab xoogan oo wata dabeylo ayaa ka da’ay deeganka buula gudud oo hoos imaado Degmada kismayo qiyas ahaana  u jira 30 km  waxaana Roobab-kaas saameeyeen  dadka ku nool deegaamada Waqooiga Kismaayo.

Guddoomiyaha deegaanka buulada guduud  mahad matan buule  oo wareysi gaar siyay  idaacada Radio Kismaayo ayaa  ka hadlay  khasaaraha uu gaystay roobabka,waxaana uu sheegay godoomiyaha ilaa 25 Guri in Roobka ay ku dumen.