
Magaalada Kismaayo waxaa si rasmi ah looga furay tababar muhiim ah oo diiradda saaraya “Tebinta Anshaxa leh ee Tacaddiyada Jinsiga ku Saleysan” (Ethical Reporting on GBV).
Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay National Union of Somali Journalists (NUSOJ), ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo anshaxa iyo xirfadda warbaahinta Soomaaliyeed.
Nimco Xasan Cabdi, Xoghayaha Abaabulka ee NUSOJ, oo hadal ka jeedisay furitaanka shirka, ayaa sheegtay in tababarkani uu muhiim u yahay kor u qaadidda xirfadda tebinta GBV iyo ilaalinta karaamada dadka dhibbanayaasha ah.
Waxay xustay in wariyaha laga rabo inuu noqdo codka bulshada, isla markaana warbixintiisu aysan dhaawac u geysan karin qofka dhibbanaha ah.
Xildhibaan Foos Cali Abdirahmaan, Xoghayaha Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka Jubaland, ayaa ku adkaysay wariyaha in ay si taxaddar leh u maareeyaan xogaha la xiriira tacaddiyada jinsiga, ayna ka fogaan warbixin kasta oo keeni karta ceebayn ama aqoonsi toos ah oo ku saabsan dhibbanaha.
Waaxda Gender-ka ee Ciidanka Booliiska Jubaland ayaa iyaguna qayb muhiim ah ka ahaa barnaamijka, iyagoo sharaxay doorka ciidanka ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda dhibbanayaasha, sidii loo dedejin lahaa ka jawaabista dhacdooyinka GBV, iyo sida ay warbaahinta iyo booliisku iskugu kaashan karaan wacyigelinta iyo ka hortagga tacaddiyada jinsiga.
Guddoomiyaha Suxufiyiinta Jubaland, Khadar Iimaan Dhaqane, ayaa tilmaamay in tababarkan uu ka jawaabayo baahi muddo jirtay oo dhanka saxaafadda ah, isaga oo ku dhiirrigeliyay wariyaha in ay sii kordhiyaan xirfadohooda iyo aqoontooda ku saabsan tebinta arrimaha bulshada oo aad ugu nugul khaladaadka anshaxa.
Agaasimaha Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Cusmaan Cali ayaa si qoto dheer uga hadlay xeerarka sharci ee ku saabsan faafinta wararka la xiriira tacaddiyada jinsiga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay jiraan sharciyo adag oo ilaalinaya asturnaanta dhibbanaha, isla markaana wariyaha jebiya xeerarkaasi uu wajahayo mas’uuliyad sharci oo cad.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Jubaland, Mudane Cabdifataax Maxamed Mukhtaar oo shirka si rasmi ah u furay, ayaa xusay in warbaahintu ay door muhiim ah ku leedahay ilaalinta xuquuqda bulshada. Wuxuu ku boorriyay saxafiyiinta in ay muujiyaan mas’uuliyad, xushmad iyo dareen bani’aadantinimo marka ay tabinayaan arrimaha GBV, isagoo xusay in warbaahinta Jubaland ay ka go’an tahay taageerida barnaamijyada kor u qaadaya anshaxa saxaafadda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







