Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Tababar u Qabatay Odayaasha Dhaqanka Ee Dhoobley

0
222
Tababar Muhiim Ah oo Lagu Xoojinayo Doorka Odayaasha Dhaqanka ee Maareynta Khilaafka iyo Nabadeynta Degmada Dhoobley.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowlada Jubbaland ayaa waxay qabatay Tababar muhiim ah oo ku saabsan maareynta khilaafka, kaas oo lagu barayay odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Dhoobley xalinta qilaafaadyada iyo Nabadeenta Dagmada.
Tababarkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo doorka odayaasha dhaqanka ee xalinta iyo maareynta khilaafaadka, iyadoo la doonayo in la horumariyo nabadeynta iyo isku keenidda bulshada.
Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxaa ka go’an tahay inay taageerto hannaan dib-u-heshiisiinta iyo Hanaanka dowlad-dhis ah ee ka socda Jubbaland.