
Ciidanka Booliska Dowladda Jubaland ee ka howlgalo Saldhiga Dhexe ee Degmada Kismaayo oo maalmihii dambe waday sii howlglalada looga hortagayo wax kasta oo khatar ku ah nabadda bulshada, ayaa caawa si gaar ah u xoojiyeen joogitaankooda meelaha muhiimka ah – sida isgoysyada, baraha kontoroolka iyo goobaha ganacsiga, si loola socda dhaq-dhaqaaqa guud.
Howlgalkan oo ah mid qorshaysan ayaa lagu doonayaa in lagu hor istaago khataraha iyo falalka amni darro ee ay kooxaha nabad-diidka ah ku hayaan bulshada, iyadoo si wanaagsan oo naxariis leh loola dhaqmaayo shacabka.
Saraakiisha howlkan hoggaaminayeen ayaa shacabka ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka oo dadaal badan ugu jira sugidda xasilloonida magaalada.













