Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo Kismaayo ka furtay Tababar ku saabsan Hoggaanka iyo Maamulka

0
161
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland, iyadoo kaashaneysa hay’adda PSI, ayaa magaalada Kismaayo ka furtay tababar ku saabsan Hoggaaminta iyo Maamulka (Leadership & Management), kaas oo soconaya muddo saddex maalmood isla markaana lagu xoojinayo awoodda hoggaamineed iyo maamulka ee shaqaalaha wasaaradda.
Tababarkan waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Waaxda Adeegyada Caafimaadka, Mudane Ismaaciil Cali Maxamuud, iyo Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose Mudane Cabdirisaaq Jaamuus.
Agaasime Maxamed Xuseen ayaa sheegay in ujeeddada tababarku tahay horumarinta xirfadaha hoggaaminta ee shaqaalaha si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda shaqo. Wuxuu ku booriyay shaqaalaha in ay si buuxda uga faa’iideystaan tababarka, si uu u horseedo isbeddel muuqda iyo waxqabad rasmi ah.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ee lagu tayeynayo adeegyada caafimaadka, iyadoo si gaar ah loo xoojinayo dhisidda awoodda maamulka iyo hoggaanka caafimaad ee heerarka kala duwan.