Liiska Golaha Wasiirada Cusub ee Somaliya oo la Shaaciyey

871

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan qodobbada 97-aad iyo 100-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Rai’iisul Wasaare Rooble oo dhismaha Golaha Xukuumadda latashiyo badan kala sameeyey Aqoonyahannada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa mudnaan gaar ah siiyey dhallinyarada, haweenka oo si mugleh uga dhex muuqda Golahan cusub.

Golaha uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka kooban 27 Wasiir, 17 Wasiiru Dowle, 26 Wasiir ku xigeen.