
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Jubaland, Mudane Ahmed Hussein Baraki oo ay weheliyaan Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, injineerro ka tirsan wasaaradda, iyo Madaxa Mashruuca Groundwater, ayaa magaalada Nairobi ku yeeshay laba kulan oo heer sare ah oo lagu dardar-gelinayo mashaariicda horumarinta biyaha ee Jubaland.
Kulanka koowaad ee ay la yeesheen Hay’adda IOM ayaa diiradda lagu saaray Mashruuca Biyaha Magaalada Kismaayo, gaar ahaan sidii loo dhammaystiri lahaa hawlaha harsan iyo hirgelinta nidaamka qaybinta biyaha ee magaalada.
Kulanka labaad ee ay la qaateen Bangiga Adduunka ayaa lagu gorfeeyay nidaamka biyaha ee Kismaayo, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Jubaland iyo Bangiga Adduunka si loo dardargeliyo hirgelinta adeegyada biyaha ee magaalada.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay horumarka, caqabadaha, iyo halka ay marayaan Mashruuca Barwaaqo iyo Mashruuca Groundwater (Abartiir), kuwaas oo ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee hadda ka socda Jubaland.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay labada hay’adood dadaalka, taageerada farsamo, iyo maalgelinta ay ku bixiyaan mashaariicda muhiimka ah ee biyaha, isagoo xusay in Dowladda Jubaland ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada biyaha, adkeynta kaabayaasha, iyo hubinta helitaanka biyo nadiif ah oo waara oo lagu kalsoonaan karo.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







