
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland, Jeneraal Ismaaciil Saxardiid, ayaa kormeer shaqo ku tagay dhismaha wadada isku xirta Buulo Gaduud iyo Afmadow, taas oo si iskaa wax u qabso ah ay u dhisayaan shacabka iyo dowladda Jubbaland.
Ujeeddada safarka ayaa ahayd in lagu qiimeeyo heerka uu marayo dhismaha wadada iyo in lagu dhiirrigeliyo ciidamada iyo bulshada ku howlan dhsiamaha wadad.
Taliyaha ayaa amaanta iyo bogaadin u jeediyay ciidamada kala duwan ee dowladda jubbaland iyo shacabka sida wadajirka ah uga shaqeynaya dhismaha wadada, isagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah isku xirka bulshada, ganacsiga iyo amniga gobolka.
Waddada Buulo Gaduud ilaa iyo Afmadow waa mid ay si is-xilqaan ah u dhisayaan dowladda Jubbaland iyo shacabka reer Jubbaland, taas oo muujinaysa iskaashiga iyo wadajirka ka dhexeeya shacabka iyo dowladdooda.














