Dhageyso: Door Noocee ah ayeey ka Qaadan karaan gollaha dhalinyarada jubaland Ka Qeyb Galka Xukuumada Cusub Ee Jubaland

1021

Barnaamijka Nabada iyo Dhalinyarada Todabaadkaan Waxaa Looga Hadlayay Doorka ay ka Qaadan karaan gollaha Dhalinyarada Jubaland Ka Qeyb galka Xukuumada Cusub Ee Dhawaan La Filayo in uu soo dhiso Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Barnaamijka Waxaa Marti Ku Ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Gollaha Dhalinyarada Jubaland Xuseen Maxamed Gudoomiyha Gollaha Dhalinyarada Dagmada Kismaayo Abaadir Cabdiraxmaan Beeshe  iyo Gudoomiye Kuxigeenka Gollaha Dhalinyarada Gobolka Jubada Hoose Nuur Maxamed

Dhamaantood Waxa ay Ka Codsadeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam in uu dhalinyarada Ka Qeyb Galiyo Xukuumadiisa Cusub Ee Uu Soo Dhisayo Waxa ayna sheegeen in dhalinyarada ay waxbadan ka badali doonaan hadii lagu daro xukuumada Cusub.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Barnaamijka Oo Dhameystiran.