
Xildhibaan Hassan Abdi Xasan Yare ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanka Diif ee hoos taga Degmada Dhoobley, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nolosha bulshada deegaanka.
Xildhibaanka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa degmada Dhoobley, ayaa xarigga ka jaray xarun caafimaad iyo ceel-biyood uu isagu garwadeen ka ahaa hirgelintooda. Sidoo kale, wuxuu kormeeray dhismaha Iskuul weyn oo heer gabagabo ah maraya, kaas oo loo dhisayo bulshada deegaanka Diif iyo tuulooyinka ku dhow.
Xildhibaan Xasan Yare oo si dhow ula socda duruufaha iyo baahiyaha ka jira deegaanka, ayaa horey ballanqaad uga sameeyay booqashadiisii hore in inta uusan sanadkani dhammaanin uu wax ka qaban doono adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha. Maanta ballanqaadkaasi wuxuu noqday mid dhab u rumoobay, taasoo ka tarjumaysa sida ay uga go’antahay horumarinta nolosha shacabka uu matalo.
Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Diif oo kulan la yeeshay Xildhibaanka ayaa uga mahadceliyay garab istaagga joogtada ah iyo sida uu mar walba ugu taagan yahay danaha bulshada. Waxay ku amaaneen inuu yahay masuul u heelan adeegga shacabka, isla markaana ficil ka dhigay ballanqaadyadiisa.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







