Wasaaradda Amniga Dowladda Jubbaland oo Dhoobley ku qabatay kulan lagu dhiirrigelinayay ka-qaybgalka gabdhaha booliska.

0
253
Wasaaradda Amniga Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Dhobley ku qabatay kulan lagu dhiirrigelinayay ka-qaybgalka gabdhaha ee ciidanka booliska.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada ay Wasaaraddu ku doonayso in lagu kordhiyo tirada haweenka ka shaqeeya laamaha amniga, si loo xoojiyo doorka dumarka ee ilaalinta nabadgelyada iyo horumarinta bulshada.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, xubno ka tirsan booliska degmada Dhobley, iyo mas’uuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dawladda Jubbaland.
Intii uu kulanku socday ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha ay gabdhaha la kulmaan marka ay doonayaan inay ku biiraan ciidanka, iyadoo sidoo kale lagu xoojiyay muhiimadda ka-qaybgalka haweenka ee howlaha amniga iyo adeegga bulshada.