
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa booqasho dhiirrigelin ah iyo howlo Shaqo ugu tagay ciidamada ku sugan furimaha hore ee deegaanka Cabdalle Biroole, halkaas oo ay si geesinimo leh uga wadaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee caadeystay dhibaataynta shacabka iyo carqaladaynta amniga Jubbaland.
Booqashadaan iskugu jirtay dhiirigelinta iyo Shaqada garsoorka, Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehelinayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Garsoorka.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hogaanka ciidamada Jubbaland ee jooga deegaanka Cabdalle Biroole, waxa ayna kulankaasi ku falanqeeyeen xoojinta howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo kor u qaadidda anshaxa ciidamada ee la xiriira daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda shacabka deegaanka.
Guddoomiyuhu waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay shacabka ula dhaqmaan si wanaagsan oo kalsooni leh, taasoo sal u noqon karta iskaashi dhameystiran oo lagula dagaalamo cadowga nabadda u diidan Shacabka.
Dhanka kale, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim aya waxa uu Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Furimaha hore ku ammaanay geesinimada, adkaysiga, iyo naf-hurnimada ay muujinayaan, isagoo sheegay in dadaalkooda uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu difaacayo jiritaanka Dowladnimada Jubbaland iyo Soomaaliya guud ahaan.
Booqashadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay Booqashooyin dhiirigelin ah iyo Howlaha Garsoorka oo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim uu tagayay Furimaha hore ee Ciidamada kala duwan ee Jubbaland ku sugan yihiin si uu ugu soo dhiirigaliyo Dagaalka adag ay kula jiraan Cadowga Caadeystay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







