Wasiirka Waxbarashada dowladda Jubbaland iyo Xildhibaan Xasan Yare oo Kormeer Ku Tegay Deegaanka Janaa Cabdalle

0
281
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland, Mudane Cabdinaasir Mah Ugaas, oo uu weheliyo Xildhibaan Xasan Abdi (Xasan Yare) oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka Janaa Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.
Kormeerkan oo daarnaa u kuurgalida mashaariic horumarineed oo muhiim ah, oo ay ugu weyn tahay dugsi cusub oo laga dhisayo deegaanka, kaas oo dhismihiisu marayo heer gabagabo ah. Wasiirka iyo Xildhibaanka oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa sidoo kale booqday isbitaal weyn oo la dhisayo, ceel biyood ay xooluhu ka cabaan, masaajid iyo madaraso cusub, iyo xarunta caafimaadka xoolaha oo la qorsheynayo in dhawaan laga hirgeliyo deegaanka.
Intii uu socday kormeerka, Xildhibaan Xasan Yare ayaa si gaar ah ugu bogaadiyay shacabka deegaanka dadaalkooda iyo isku duubnidooda, isagoo ku ammaanay sida ay u garab taagan yihiin horumarinta deegaanka. Dhinaca kale, shacabka deegaanka ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanka, iyagoo ku tilmaamay hoggaamiye firfircoon oo mar walba ka shaqeeya danta bulshada uu matalo.
Waxaa xusid mudan in Xildhibaan Xasan Yare uu si gaar ah xooga u saarayo horumarinta deegaan doorashadiisa, oo ay ka mid yihiin degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley, halkaas oo uu horay uga hirgeliyay mashaariic isugu jira isbitaallo, iskuullo, iyo ceelal biyood. kuwaas oo si weyn u kordhiyay adeegyada bulshada, isla markaasna sare u qaaday nolosha dadka deegaanka.
Bulshada ku nool degmooyinkan ayaa si weyn u qadariya kaalinta uu Xildhibaan Xasan Yare ku leeyahay horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, iyo biyaha, taas oo muujinaysa sida uu xildhibaanku had iyo jeer ugu taagan yahay daryeelka shacabka uu matalo.
Dhanka kale, Taliyaha Guutada Labaad ee Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, Taliye Maxamuud Fanax, ayaa masuuliyiinta uga warbixiyay xaaladda amniga guud ee deegaanka, isagoo sheegay in Janaa Cabdalle ay ku sugan tahay nabadgelyo buuxda, isla markaana ciidanku si dhow ula shaqeeyaan shacabka si loo adkeeyo xasilloonida iyo amniga deegaanka.
Kormeerka ay sida wadajirka ah u sameeyeen Wasiirka Waxbarashada Jubbaland iyo Xildhibaan Xasan Yare ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo horumarka bulshada, gaar ahaan deegaanada Magaalooyinka ka fog ee aysan adeega Dawladnimadu gaadhin.