Qaar ka Mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland oo Deeq Neefaf Geel ah ku Wareejiyay Ciidanka Daraawiishta ee ku Sugan Degmada Ceelwaaq.

0
230

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Cismaan Jeemis, oo ay weheliyaan Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Jubbaland, Wasiiru-dowlaha Amniga Jubbaland, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland, Marwo Faaduma Cali Cabdikariin, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Horumarinta Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha ee Gobolka Gedo, ayaa safar shaqo ku jooga Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Mas’uuliyiintan ayaa maanta deeq neefaf geel ah ku wareejiyey saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.