Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Jubbaland oo Dhoobley ku soo xiray Barnaamij ku saabsan Xoojinta Wada-shaqaynta Booliska iyo Bulshada

0
289
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayaa magaalada Dhoobley si rasmi ah ugu soo xiray barnaamij muhiim ah oo ku saabsanaa Wada-shaqaynta Bulshada iyo Hay’adaha Bulshada, kaas oo loogu talagalay xoojinta doorka Booliska iyo xiriirkooda bulshada.
Barnaamijkan, oo muddo socday, ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista fahamka bulshada rayidka ah ee ku saabsan kaalinta Booliska, iyo sidii bulshada iyo hay’adaha bulshada ay door muuqda uga qaadan lahaayeen xoojinta nabadgelyada iyo amniga guud.
Tababarka ayaa ka faa’iideystay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland ee degmada Dhoobley, kuwaas oo lagu wacyigeliyay isla markaana lagu tababaray arrimo ku saabsan xiriirka bulshada, wada-shaqaynta, iyo dhisidda kalsoonida bulshada.