
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dawladda Jubbaland, ahna Kusimaha Madaxweynaha, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdirahman, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo taariikhyahan ah.
Kulanka soo dhaweynta waxaa Guddoomiyaha ku wehelinayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubbaland, iyadoo sidoo kale ay qayb ka ahaayeen Masuuliyiin sare oo ka socda Maamulka Jaamacadda Kismaayo.
Prof. Mukhtaar ayaa lagu wadaa in uu qabto kulammo cilmiyeedyo iyo tababaro uu ugu talagalay Ardayda jaamacadaha Jubbaland iyo dhammaan qaybaha kale ee bulshada ee ka faa’iidaysan kara aqoontiisa iyo khibraddiisa.










![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






