
Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ayaa saaka waaberigii hawlgal ballaaran ka sameeyay deegaanka Turdho iyo nawaaxigiisa, oo ku yaalla jiinka wabiga Juba.
Hawlgalka ayaa ah mid qorsheysan oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta.
Ujeedada hawlgalkan ayaa ah in la xaqiijiyo amniga deegaanka, lana ciribtiro goobaha ay kooxdaasi ku dhuumaaleysaneyso, kana wadaan falalka amni darrada ah.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu burburiyay goobo Maleeshiyaadka Khawaarijta naf-lacaariga ah ku dhuumaaleysanayeen ayna sii wadi doonaana.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)





