Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland oo kullan la qaatey Madaxa Xafiiska Xuduudka Koonfurta u qaabilsan WFP.

80

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowaladda Jubbaland mudane

Maxamed Axmed Cali ayaa xafiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Xuduudka Koonfurta u qaabilsan WFP oo uu xafiiskiisu yhy degmada Dollow iyo madaxa mashaariicda WFP ee xuduudaha Soomaaliya Anas AL MOHAMMAD waxaana kulanka goob joog ka ahaa wasiir kuxigenka Wasaradda iyo Kusimaha agasimaha Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Jubbaland.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii looga arrinsan lahaa mushruuca Baxnano oo ah mashruuc ay iska kaashanayaan wasaaradda iyo hay’adda WFP kaasoo wax loogu qabto bulshada danta yar waxana laga fuliyay mashurcaan Baxnaano ilaa sadax dagmo oo kala ah Afmadoow, Badhadhe iyo Dagmada Luuq.

Wasiirka iyo masuuliyiinta Hay’adda WFP ka socday ayaa si qotodheer uga arrinsaday dardargalinta mashruucan iyagoona hoosta ka xarriiqay sida uu muhiimka u yahay, waxaa ayna isla qaateen in liska kaashado fududaynta sidii bulshada Jubbaland looga faa’iideyn lahaa mashruuca Baxnaano.