
Taliyaha Guutada 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland, G/Sare Maxamuud Cabdi Cilmooge, ayaa maanta kormeer ku sameeyey dhismaha cusub ee cisbitaalka Jana Cabdalle, kaasi oo dhawaan ay dhagax-dhigtay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, si looga jawaabo baahida caafimaad ee dadka deegaanka.
Intii uu kormeerka socday, Taliyaha ayaa shaqaalaha ku adkeeyay in ay dedejiyaan dhammeystirka dhismaha, maadaama bulshada deegaanka si aad ah ugu baahan yihiin adeeg caafimaad casri ah sidookalana roobab la filayo inay da’aan markaasi oo uu isa socodku adkaan doono.
G/Sare Maxamuud Cabdi Cilmooge ayaa tilmaamay in cisbitaalkan uu noqon doono xarun caafimaad oo muhiim u ah dadka ku nool Jana Cabdalle iyo deegaannada ku teedsan, isagoo carabka ku adkeeyay in uu kaalin weyn ka qaadan doono cisbitaalkani horumarinta adeegyada caafimaadka Jubbaland iyo ha qabtirka baahidii bulshadu Janaa-Cabdalle uqabtay adeega caafimaadka.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







