Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland oo La Kulmay Bahda Warbaahinta si Loo Dardargeliyo Doorka Dowlad-dhiska ee saxaafada

0
239
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Jubbaland Mudane Mohamed Ogle ayaa kulan la qaatay Agaasimiyaasha Talefishanka Jubbaland iyo Redio Kismaayo iyo hogaanka ururka suxufiyiinta Jubbaland, Shirkan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ahaa Agaasimaha waaxda warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland.
Kulankan ayaa lagu dardargalinayay doorka warbaahinta ay ku leeyihiin dowlad dhiska iyo sida ugu wanaagsan ay warbaahinta u tabin lahayd waxyaabaha bulshada waxtarka u leh.
Agaasimayaasha Warbaahinta dowladda iyo Hoggaanka ururka suxufiyiinta Jubbaland ayaa Wasiirka ugu mahadceliyay kulankan iyo sida Wanaagsan uu marwalba ugu qayb qaato Dowlad dhiska, iyagoona ballan qaaday in ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kala shaqayn doonaan wacyigalinta dowlad dhiska iyo dardargalinta howlaha dowladaha hoose.
Maxamed Ibraahim Ogle Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa gaba-gabada kulanka bahda Warbaahinta uga mahadceliyay sida ay ugu heelan yihiin u adeegidda bulshada Jubbaland iyo sida Wanaagsan ay marwaliba uga shaqaqaynayaan Dowladda dhiska.