
Gudoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Jubbaland Mudane Siyaad Ibrahim Mohamed ayaa Magalada Nairobi uga qaybgalay Shirka qiimaynta Ee Mashruuca SERP.
Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya ayaa lagu soo gabagabeeyay kulan muhiim ah oo ku saabsanaa qiimeynta hawlihii iyo qorshayaashii Mashruuca SERP ee socday mudadii sanad iyo barka ahyd ee lasoo dhaafay.
Intii uu socday shirka ayaa waxaa lagu falanqeynayay guulihii la gaaray mudadii uu socday mashruucu, natiijooyinka muuqda ee lataaban karo, caqabadihii iyo culaysyadii lala kulmay, iyo waxyaabaha xiga ee diirada lasaari doono, kuwaa oo uu mashruucani kala shaqeyn doono Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Heer Federal iyo Heer Dowlad Goboleed ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda Bangiga Adduunka u qaabilsan Mashruuca SERP Soomaaliya, madax ka socotay Dowladda Federaal ka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo howl-wadeenada Mashruuca.
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Jubbaland Mudane Siyat Ibrahim Mohamed oo ay weheliyaan xubno katirsan xafiiska ayaa qayb ka ahaa kulankaasi muhiimka ah.
Guddoomaha oo shirka hadal kajeediyay ayaa sheegay ahmiyadda uu leeyahay kulankani iyo in lasii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo Mashruuca si loo xaqiijiyo fulinta hawlaha qorsheysan iyo ka gudbidda caqabadaha taagan iyo ka mira dhalinta hiigsiga Mashruuca.


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







