
Taliska Ciidanka Darawiishta Jubaland ee degmada Doolow ayaa maanta xafaddaha iyo xeryaha Barakacayasha Degmada Doolow ee Gobalka Gedo ka sameeyey howlgal ballaaran oo amni xaqiijin ah.
Howlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Magaalada, isla markaana looga hortagayo falalka amni-darrada ah ee ay abaabulaan kooxaha Khawaarijta ah.
Intii uu socday howlgalka uu Hogaaminayey Taliyaha Daraawiishta Jubaland ee Doolow Maxamed Xassan Buulle (Sanka) ayaa ciidanku waxay baaritaan ku sameeyeen guryo iyo ganacsiyo iyagoo diiradda saarayey hubka sharci darrada ah, walxaha qarxa iyo shakhsiyaadka looga shakisan yahay falalka amni-darrada ah in ay door ku leeyihiin.

Bulshada ku nool xaafadihii lagu sameeyey howlgalka ayaa soo dhaweeyey tallaabada ciidanka, iyagoo tilmaamay in ay gacan ka geysanayso nabadda iyo dareenka amni ee dadka shacabka ah.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







