Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Jubbaland oo Kismaayo ka daahfurtay barnaamij lagu xoojinayo wada-shaqaynta bulshada iyo booliska

0
419
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfurtay barnaamij ku saabsanaa Wada-shaqaynta Bulshada iyo Hay’adaha Bulshada si loo xoojiyo Doorka Booliska.
Barnaamijkan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista fahamka bulshada rayidka ah ee ku saabsan kaalinta booliska iyo sida ay bulshada iyo hay’adaha bulshada ugu qeyb qaadan karaan xoojinta nabadgelyada iyo amniga guud.
Waxaa ka faa’iideystay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Jubbaland, kuwaas oo tababarro iyo wacyigelin ku saabsan xiriirka bulshada, wada shaqaynta iyo kalsooni dhisidda bulshada lagu siiyay.