Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland oo Kismaayo ka dajisay buugaag cusub oo loogu talagalay ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe

0
426
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jubaland Mudane Axmed Faarax Cali (Aweys) oo uu wehlinayey Agaasimaha Waaxda Manaahijta Wasaaradda ayaa maanta Dekadda Kismaayo kula wareegay buugaag loogu talagalay ardeyda dugsiyada hoose iyo dhexe ee Jubaland.
Buugaagtan oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada Jubaland, ayaa si weyn uga caawin doona ardayda kor u qaadista aqoontooda iyo waxbarashadooda.
Talaabadan ayaa ka tarjumaysa sida Wasaaraddu ugu heelan tahay in ardeyda Jubaland helaan agab waxbarasho oo tayo leh si loo dhiso jiil waxbartay oo ifiya mustaqbalka.