
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daahfurtay tababar socon doona muddo shan (5) maalmood ah, kaas oo loogu talagalay in lagu tayeynayo shaqaalaha ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle.
Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland, Mudane Saacid Cabdullaahi Macalin, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha kale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Jubbaland.
Ujeeddada tababarkan ayaa ah in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee hawl-wadeenada garoonka, si gaar ahna diiradda loogu saaro Sugidda amniga garoonka Maamulka iyo maaraynta hawlaha duulista La jaanqaadka heerarka caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka.
Agaasime Saacid Cabdullaahi Macalin oo furitaanka tababarka ka hadlay, ayaa xusay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay sare u qaadidda tayada adeegyada garoonka, isagoo carrabka ku adkeeyay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay in la joogteeyo horumarinta shaqaalaha iyo ilaalinta amniga duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







