Ciidanka Nabadsugidda dowladda Jubaland oo Howlgal Ballaaran ka Fuliyay howdka Raas-Kaambooni

0
285
Ciidanka Nabadsugidda Jubaland, gaar ahaan Guutada Hanqadh, ayaa howlgal amni oo ballaaran ka fuliyay Deegaanka Raas-kaambooni ee Degmada Badhaadhe, Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan oo ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhexeeya Kaambooni iyo Degmada Badhaadhe, ayaa ciidamadu ku burburiyeen goobo ay gabaad ka dhigan jireen khawaarijta ku dhuumalaysanaysay deegaankaasi.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah, iyadoo guutada Hanqadh ay door weyn ka qaadanayso sugidda amniga iyo xasilinta degmada Badhaadhe iyo nawaaxigeeda.