Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland oo tababar aqoon kororsi ah ufurey saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Jubbaland.

0
185
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland, Mudane Xareed Kilaas Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo loogu talagalay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska JubbalandTababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu baranayaa Hoggaaminta, Maamulka iyo Qorsheynta, waxaana ujeedadiisu tahay in lagu kobciyo xirfadaha saraakiisha si ay si hufan uga jawaabaan baahiyaha amni ee bulshadaMudane Xareed Kilaas Cabdi oo hadal ka jeediyay furitaanka ayaa xusay in hoggaamin iyo qorsheyn wanaagsan ay yihiin laf-dhabarta guusha ciidanka, isla markaana saraakiishu ay door muuqda ku leeyihiin sugidda nabadda iyo adkeynta kalsoonida shacabka.