
Daladda Bulshada Rayidka Jubaland. Jubbaland Non State Actors Association (JUNSAA) ayaa Degmadda Dhoobley ku qabatay kulan dood wadaag ah oo diiradda lagu saaray la xisaabtanka dowladda Kulankan waxa uu ahaa madal furan oo dhexmartay bulshada rayidka iyo madaxda Dowlada Jubaland, kaas oo looga hadlay tayada adeeg bixinta iyo hufnaanta maamul.
Intii uu socday kulanka, ayaa su’aalo lagu weydiiyay Wasiirrkaa Wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga dowladda Jubbaland iyo gudomiyaha degmada Dhoobley.
Ujeeddada doodda ayaa ahayd in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada, si loo hubiyo tayada adeega dadweynaha iyo hanaanka maamulka sida daahfurnaanta iyo gudashada mas’uuliyad ka.
Kulanku waxa uu noqday fursad weyn oo bulshada degmada dhoobley su’alo ku weydiiyeen madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay waxaana ka soo baxay aragtiyo, talooyin kuwaas oo ku saabsanaa habsami u socodsiinta adeegyada bulshada iyo horumarinta kheyraadka deegaanka.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






