Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo Doolow Ka Furtay Madal Wadatashi Dadweyne iyo Dowlad

0
190
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Jubbaland ayaa degmada Doolow ee gobolka Gedo ku qabatay Madasha Dadweynaha iyo Dowladda, oo ah kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa bulshada iyo hay’adaha dowladda.
Kulankan ayaa ahaa mid ay si wadajir ah uga soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Doolow, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, iyo sidoo kale maamulka degmada.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la helo madal furan oo lagu falanqeeyo arrimaha mudnaanta u leh bulshada, isla markaana lagu dhageysto aragtiyadooda.
Intii uu kulanka socday, waxaa diiradda la saaray baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada, sida adeegyada bulshada, amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo daryeelka bulshada. Sidoo kale, waxaa laga dooday sida loo kala hormarin karo baahiyahaas si loo gaaro horumar waara.
Ka qayb galayaasha waxay sidoo kale iftiimiyeen caqabadaha jira, oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka adeegyada bulshada iyo baahida loo qabo iskaashi dheeraad ah oo u dhexeeya bulshada iyo dowladda.
Ugu dambeyn, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo wadatashiga joogtada ah si xal waara loogu helo arrimaha taagan.