
Howlgal ballaaran oo qaatay muddo toban cisho ah oo ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Jamaame ayaa si rasmi ah loo soo afjaray, kaas oo ay kala hogaaminayeen Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/Sare Nuur Mahad Xasan iyo Ku-simaha Taliyaha ahna Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, G/Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor.
Intii uu socday howlgalkaasi, waxaa la burburiyay xarumo iyo deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al Shabaab, iyadoo isla markaana la xaqiijiyay amniga tuulooyin ku teedsan wabiga Jubba, gaar ahaan Sanguuni, Muusa Xaaji, Araare, Koban iyo Bangeeni.
Sidoo kale, ciidamadu waxay baadi-goob iyo dhaq-dhaqaaqyo amni ka sameeyeen dhanka kale ee wabiga, deegaannada Jiibey, Malaaley, Janaale Jaay iyo Soo Mareey, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Al Shabaab, tiro kalena lagu dhaawacay. Ciidanku waxay sidoo kale fashiliyeen miinooyin badan oo lagu talagalay in lagu waxyeelleeyo dadka shacabka ah.
Geesta kale, waxaa dib loo furay qeybo ka mid ah waddooyinka ay dhirta badani xiratay kadib fatahaadihii, waxaana la hirgeliyay fariisimo ciidan cusub oo laga maamuli doono howlgalada socda. Ciidanku sidoo kale waxay ku ruqaansadeen deegaanno hor leh oo kooxdaasi gacanta ku haysay.
Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Ciidaanka Xoogga Dalka, iyo ciidanka gaarka ah ee Danab, iyadoo ay taageero cirka ah ka geysteen saaxiibada caalamiga ah ee AFRICOM. Duqeymo dhowr ah oo ay sameeyeen diyaaradaha AFRICOM ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Al Shabaab oo halkaasi isugu urursanaa.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







