
Jaaliyadda reer Jubbaland ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ayaa kulan is-xogwaraysi ah la yeeshay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) iyo Xildhibaan Maxamed Sheekh, kuwaas oo safar shaqo ku jooga Dalka Mareykanka.
Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlay xaaladda guud ee Jubaland, iyadoo labada xildhibaan ay bulshada la wadaageen warbixin ku saabsan fursadaha maalgashi, iyo horumarka Dawladda Jubaland.
Dhankooda, jaaliyadda Jubaland ee Minnesota ayaa muujisay diyaar-garow ay ku taageerayaan horumarinta Jubaland, iyagoo ballan qaaday in ay qeyb ka qaadan doonaan dhinacyada maalgashiga, taakuleynta bulshada iyo taageerada Dawladda Jubaland.
Kulankan ayaa ka mid ahaa shirar xiriir ah Oo si gaar-gaar ah iyo si wada jir ahba Xildhibaanadu ula yeelanayeen Jaaliyada Ree Jubaland Ee dalka Maraykank.







![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







