Wasiirka Qorshaynta Dowladda Jubbaland oo Nairobi kula kulmay Safiirka cusub ee Sweden ee Soomaaliya”

0
475
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Maxamed-weli Cali ayaa galabta magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya kulan isugu jira is barasho iyo kala war-qaadasho kula qaatay Safiirka cusub ee Safaaradda Sweden ee dalkeenna Soomaaliya Mr. Hans Lundquist oo uu wehelinayo Madaxa Iskaashiga Horumarka ee Safaaradda.
Kulanka waxaa looga wada hadlay iskaashiga Horumarineed & fursadaha Maalgashi ee Jubbaland iyo si guud marxaladda Siyaasadeed ee Dalka, Sidoo kale Wasiirka ayaa Safiirka u gudbiyey dhambaal iyo Salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.