
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland, Mudane Ismaaciil Axmed Garas, ayaa magaalada Kismaayo si diirran ugu soo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo ka socday hay’adda Save the Children.
Intaasi kadib, wafdiga ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo shaqaalaha kale ee ka tirsan heerarka kala duwan ee Wasaaradda. Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, ayaa lagu gorfeeyay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.
Intii uu socday kulanka ayaa Waxaa lagu soo bandhigay guulihii horay loo gaaray, waxaana sidoo kale laga hadlay baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaanada Jubaland iyo qorshayaasha lagu xallin karo si waxtar leh.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Jubbaland Ismaaciil Axmed Garas ayaa uga mahadceliyay hay’adda Save the Children taageerada joogtada ah ee ay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku nool Jubaland, la garab taagan yihiin. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimada sii xoojinta iskaashiga si loo horumariyo adeegyada caafimaad ee bulshada.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







