
Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuna matala dowladda Jubbaland, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in madaxweynihii loo dhaariyay inuu dalka dhiso uu hadda ku dhaqaaqay falal lid ku ah midnimada iyo jiritaanka dalka, isaga oo ku eedeeyay inuu wado burburin, barakicin iyo boobka hantida guud.
Cabdirashiid Xidig ayaa xusay in deegaanada ay dowladda dhexe gacanta ku hayso maanta ay inta badan ku sugan yihiin kooxaha argagixisada, halka maamulada sida Jubbaland iyo Puntland oo diiday nidaam xumada dowladda jirta ay iyagu awood u yeesheen inay deegaanadooda ka difaacaan khawaarijta.
Sidoo kale, Xildhibaanku wuxuu shacabka Jubbaland ku wargeliyay inay feejignaadaan, isagoo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ay doonayaan lugooyo iyo wiiqid nidaamka maamul goboleedyada.
Ugu dambeyn, Xildhibaan Xidig ayaa ku adkeystay in shacabka Jubbaland ay iyagu doorteen hoggaamiyahooda Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, isla markaana uu sii ahaan doono hoggaamiyahooda sharciyadda heysta.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






