Wasiirka Qorshaynta Dowladda Jubbaland oo Dalka Kenya kulan kula qaatay qaar ka mid ah masuuliyiinta Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya.

0
488
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Maxamed-weli Cali ayaa maanta magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya kulan kula qaatay qaar ka mid ah masuuliyiinta Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga wada hadlay dardargelinta Mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka uu ka wado Jubbaland, Sidoo kale Wasiirka iyo Agaasimaha ayaa uga mahadceliyey Bangiga Adduunka doorka shariifka ah ee uu ka qaatay horumarinta Kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhismaha Hay’adaha Dowladda Jubbaland.