Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta oo deegaanka Kaamjaroon lagu khaarijiyay

92
Howlgal qorshaysanaa oo ay deegaanka Kaamjaroon ee gobolka Jubbada hoose xalay ka fuliyeen ciidamada geesiyada Jubbaland iyo xooga ayaa waxaa jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Khawaarijta Argagixisada oo deegaankaasi doonayay in ay dhuumaalaysi ku joogaan .
Maleeshiyaadka la khaarijiyay waxaa ku jira horjoogayaal kuwaas oo damacsanaa in ay gabaad ka dhigtaan deegaano ka agdhow Kaamjaroon ciidanka ayaana sii xoojinaya howladooda ay ku baacsanayaan khawaarijta gabalkoodu dhacay .