Ciidamada Geesiyada Jubbaland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Orgiyow

0
348

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada kala duwan ee Dowladda Jubbaland ayaa ka dhacay deegaanka Orgiyow iyo dhulka howdka ah ee ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Intii uu socday howlgalkaas, ciidamada halyeeyada ah ee Jubbaland waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan saddex mooto oo ay si gaar ah u isticmaali jireen kooxaha Khawaarijta.

Mootoyinkan ayaa argagixisadu u adeegsan jireen qaadista miinooyinka si ay ugu dhibaateeyaan shacabka reer Jubbaland ee Nabada jecel.

Ciidamada ayaa howlgalka u qaaday si ay u sugaan amniga shacabka, isla markaana u baabi’iyaan marinada ay Khawaarijtu u adeegsadaan gaadiidkooda qarsoodiga ah.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada miyiga ah ee Jubbaland.