Xuseen Abuukar Maxamed Tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta oo isku Soo Dhiibay Ciidamada Amniga dowladda Jubbaland”

0
321

Xuseen Abuukar Maxamed (Xuseen Burgaan), oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, ayaa  isku soo dhiibay laamaha amniga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Xuseen Burgaan, oo muddo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa sheegay inuu u adkeysan waayay duruufaha adag ee nololeed, gaar ahaan gaajada iyo cadaadiska ay kooxda ku hayso xubnaheeda ku sugan howdka gobolka. Sidaas darteed ayuu go’aansaday inuu isaga soo baxo kooxda, isagoo isku soo dhiibay ciidamada amniga ee Jubbaland.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Jubbaland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada, isla markaana ay garab taagan yihiin cid kasta oo ka soo goosata fikirka xagjirka ah ee kooxda Khawaarijta