Ciidanka dowladda Jubbaland iyo kuwa Danab oo Khaarijiyay Horjoogayaal Khawaarij ah

0
332
Ciidanka Dowladda Jubbaland oo Kaashanaya Danab oo Khaarijiyay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta Harboole.
Ciidanka dowladda Jubbaland oo garab ka helaya Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey baadiyaha deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan ayaa si gaar ah loogu beegsaday horjoogayaal iyo xubno sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo ku howlanaa aruurinta hantida baada ah ee shacabka ee ay ugu magac dareen “zakawaad.”
Ciidamada fuliyay hawlgalka ayaa khaarijiyay xubno muhiim ah oo Khawaarijta ka tirsanaa, kuwaas oo halis ku ahaa amniga deegaanka iyo nolosha shacabka.
+2