
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Degmada Doolow ayaa hawlgal qorsheysan oo si heer sare ah loo diyaariyey ka fuliyey deegaano hoos yimaada degmooyinka Doolow iyo Beled Xaawo ee gobolka Gedo.
Taliyaha amniga Doolow Mohamed Hassan Buulle iyo Saraakiisha kale hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay kahortagga wax kasta oo halis ku ah amniga iyo xasilloonida deeganka, isla markaana lagu xaqiijinayo nabadda iyo kalsoonida shacabka.
Taliyaha ayaa shacabka ku nool deenada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidanka, lagana wada hortago cid kasta oo amniga wax u dhimaysa.
















