
Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland ayaa dhagax dhigtay dhismaha iskuul cusub oo laga hirgelinayo tuulada Buula Barwaaqo, oo hoostagta degmada Dhobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Axmed Faarax Cali Aways, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday maamulka degmada Dhobley oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Degmada, Mudane Xasan Cabdi Xaashi.
Mas’uuliyiinta ayaa madasha ka jeediyay khudbado muujinaya sida ay Dowladda Jubbaland uga go’an tahay ballaarinta adeegyada waxbarasho, si carruurta ku nool tuulooyinka fogfog ay u helaan waxbarasho tayo leh, loogana hortago saboolnimada iyo jahawareerka mustaqbalka.
Agaasimaha Guud, Mudane Axmed Faarax Cali Aways, ayaa sheegay in dhismaha iskuulkan uu qeyb ka yahay dadaallada ballaaran ee ay wasaaraddu ka waddo gobollada Jubbaland, si waxbarashada loogu gaarsiiyo dhammaan bulshada, gaar ahaan meelaha aan horey u lahayn xarumo waxbarasho.
“Wasaaraddu waxay ka go’an tahay in mashruucyo wax ku ool ah laga hirgeliyo deegaannada baahiyaha waxbarasho qaba. Waxaan bulshada deegaanka ugu baaqayaa inay ka qeyb qaataan ilaalinta, dhismaha iyo taageeridda xarumaha waxbarashada,” ayuu yiri Agaasimaha Guud.
Tuulada Buula Barwaaqo oo muddo dheer aan lahayn xarun rasmi ah oo waxbarasho, ayaa si weyn ugu baahnayd iskuul u suurtageliya carruurta deegaanka inay helaan waxbarasho aasaasi ah.
Iskuulkan cusub ayaa noqon doona mid daboolaya baahida waxbarasho ee deegaanka, iyadoo dadka deegaanka ay muujiyeen taageero iyo dhiiranaan ku aaddan horumarinta tacliinta jiilka cusub.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







