Maxkamadda Ciidamada dowladda Jubbaland oo Dhageysatay Kiiska Dil ah oo eedeysane uu ka yahay Adan Ibraahim oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada.

0
317
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta dhageysatay kiis dil ah oo loo haysto Adan Ibraahim Axmed Macow, oo lagu eedeeyay inuu toorey ku dilay saaxiibkiisii shaqo wadaag ay ahyeen Marxuum Cabdifataax Cumar Shariif, kaasi oo ay labaduba kawada tirsanaayeen Ciidamada Madaxtooyada Dowladda Jubbaland.
Guddoomiyaha Maxkamadda, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa fadhiga furay isagoo faahfaahin ka bixiyay eedda loo haysto eedeysanaha.
Adan Ibraahim ayaa qirtay dilka, isagoo sheegay in falka uu dhacay kadib muran dhex maray isaga iyo marxuumka.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa maxkamadda horkeenay cadeymaha kiiska, wuxuuna sheegay in falkaasi uu ahaa mid kas ah oo u baahan ciqaab adag oo waafaqsan xeerka ciidamada iyo shareecada islaamka.
Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa fadhiga soo xiray, isagoo sheegay in go’aan rasmiga ah laga soo saari doono marka lasoo dhammeeyo dhageysiga kiiska.