
Beeraleyda ku nool deegaannada galbeedka Kismaayo ayaa bilaabay tabcashada beeraha, iyagoo ka faa’iideysanaya roobabka guga ee da’ay.
Dadka deegaanka ayaa si weyn ugu jihaystay wax-soo-saarka, iyagoo rajo ka qaba in xilli roobaadka sanadkan uu noqdo mid miro dhal ah.
Beeraleyda ayaa codsi u diray Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland, iyagoo ka dalbanaya taageero ku aaddan qalab, abuur iyo adeegyo kale oo muhiim u ah beeraleyda.
Guddoomiyaha guud ee Galbeedka Kismaayo, Maxamed Yacquub Cabdi, ayaa ugu baaqay wasaaradda in ay garab istaagto dadaallada beeraleyda si loo gaaro wax-soo-saar muuqda


![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







