Wasaaradda arrimaha bini’aadantinimada Jubbaland ayaa kulan la qaadatay hay’adda Save the children oo uu hogaaminayay wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan

712

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland, Hon. Abdirahman Abdi Ahmed ayaa maanta galinkii dambe ku qaabilay xafiiska wafti ka socday Hay’adda Save The Children oo horkacayo wakiilka u qaabilsan Soomaaliya.

Mudane Cabdiraxmaan ayaa warbixiin ka siiyay masuulka arimaha abaaraha iyo dhibaatooyinka taagan hada oo u baahan gurmad deg deg ah.

Waxaa kale oo wasiirka uu kaga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ka haayaan Jubaland gaar ka taageeridda Wasaaradda hergalinta qorshaha Maareynta Musiibooyinka iyo Arimaha Bini’aadanimada 2022-2026.