
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan wadatashi ah oo la xiriira SAAB-ka Qiimeynta Qaranka (National Assessment Framework – NAF).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii si mideysan looga qeyb qaadan lahaa qiimeynta heerka aqoonta ardayda Soomaaliyeed, iyadoo lala tashanayo bahda waxbarashada heer deegaan, waalidiin, macallimiin iyo daneeyayaasha waxbarashada.
Agaasimaha Waaxda Tayo-dhowrka iyo Halbeegyada ee Wasaaradda, khubaro ka socotay Wasaaradda Waxbarashada Federaalka iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay kulanka, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta nidaam mideysan oo qiimeyn waxbarasho ah.
Wasaaradda Waxbarashada Jubaland waxaa ka go’an in ay hormuud ka noqoto dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo la socodka heerka aqoonta ardayda Soomaaliyeed.









