Ururka Kubadda Cagta Jubbaland oo Afmadow ka daahfurey tartanka kubada cagta ee xaafadaha

0
246
Ururka Kubadda Cagta Jubbaland ayaa si rasmi ah uga daah-furay Degmada Afmadow tartan kubadda cagta ah oo ay ku loolamayaan lixda xaafadood ee ka dhisan magaalada, kaas oo ujeedkiisu yahay dhiirrigelinta ciyaaraha, xoojinta midnimada bulshada iyo kobcinta hibada dhalinyarada.
Munaasabadda furitaanka tartankan ayaa ka qabsoontay garoonka ciyaaraha ee Degmada Afmadow, waxaana ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada, saraakiil ka socday ururka kubadda cagta Jubbaland, macallimiin, ciyaartoy iyo taageerayaal fara badan oo isugu soo baxay daawashada furitaanka tartanka.
Tartankan oo ay ku tartamayaan lixda xaafadood ee Degmada Afmadow ayaa la filayaa inuu socdo maalmo dhowr ah, iyadoo kulammo xiiso leh ay dhex mari doonaan kooxaha ka qeyb-galaya, islamarkaana abaalmarinno la guddoonsiin doono kooxaha ku guuleysta.
Gudomiyaha Xirirka Kubada Cagta Jubbaland ahmed abdulahi ahmed ayaa Koxaha kadhisan Degmada afmadow Kuwerejiyay Agab Sports oo Dhamaystiran Si ay tartankan Ugu qabtaan Wakilada Xirirka Kubada cagta Jubbaland u Joga degmada Afmadow.
Ugu dambeyn, bulshada Degmada Afmadow ayaa si weyn u soo dhawaysay qabsoomidda tartankan, iyagoo tilmaamay inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo ciyaaraha iyo is-dhexgalka bulshada, gaar ahaan dhalinyarada degmada.