
Ciidanka Puntland ayaa maanta sameeyay howlgalo kuwaas oo ka dhacay deegaano hor leh oo ka tirsan buuraleyda Caalmiskaad, iyagoo kooxda maleeshiyaadka Khawaarijta kala wareegay goobo kale oo muhiim ah.
Howlgalkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka, iyadoo la doonayo in la ciribtiro kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya bulshada.